Waa maxay barnaamijku?

Barnaamijka Deeq Waxbarasho ee Caruurrta Yaryar ee Saint Paul (Saint Paul Early Childhood Scholarship Program) waxa uu qoysaska siiyaa war iyo deeq waxbarasho si looga gargaaro inay doortaan, iska bixiyaan kharashka, isla markaana ilmahoodu ugu jiro sii-hayn ilmo oo tayo sare leh iyo waxbarasho caruurnimada hore ah.

Waa maxay adeegyada qoysasku heli doonaan?

Barnaamijaka Barbaarinta iyo dhisita aqoonta da'da yaray
  • Deeq waxbarasho oo ah laba sannadood si ay iskaga bixiyaan kharashka sii-hayn ilmo oo ah wakhti buuxa ama wakhti badh ah oo ah xarun sii-hayn ilmo ama sii-hayn qoys iyo adeegyada waxbarashada caruurnimada hore ah taasoo bilaabmaysa marka ilmuhu jiro 3 sannadood. Qoysaska lagama rabo inay wax bixiyaan.
  • Booqashooyin uu ugu yimaado waalid la-taliye ah kaasoo ka gargaari doona inay doortaan sii-haynta ilmo iyo goobta waxbarasho caruurnimada hore ah ee ugu fiican.

Si aad u heshid warqadda codsiga barnaamijka wac:

Wac Khadka Luqada (Language Access Line) oo ah 651-665-0150 si aad ula xidhiidhid Resources for Child Caring (Illaha Sii-haynta Ilmaha) Qoysaska leh hooyo uur leh ama ilmo ka yar hal sanno waxa u banaanaan kara la-talin waalid. Si aad u heshid war dheeraad ah wac Resources for Child Caring adiga oo isticmaalaya warka sare.

Last Edited: July 7, 2016