Families First Housing Pilot waxay siisaa qoysaska Saint Paul $ 300 / bishii kaalmo kiro ah muddo seddex sano ah. Qoysasku waxay sidoo kale helaan caawinaad dheeri ah sida tababarka u diyaarsanaanta shaqada, u doodista kireystayaasha iyo caawinta dhexdhexaadinta, iyo ku xirnaanta khayraadada kale ee la heli karo.

Barnaamijka waxaa maalgeliya Housing Trust Fund, oo uu soo saaray Duqa Magaalada Melvin Carter si loo soo saaro, loo dhawro, loona ilaaliyo awoodista guryaha ee dadka deggan Saint Paul. Lacagta dheeraad ah waxaa bixiya Family Housing Fund, McKnight Foundation, Pohlad Foundation, iyo Saint Paul & Minnesota Foundation.

Adeegyada taageerada ah waxaa bixiya Saint Paul Public Schools, Community Stabilization Project, iyo Saint Paul City School oo kaashanaya Model Cities, Neighborhood House, Wilder Foundation iyo YWCA Saint Paul.

Uqalmidda

Qoysaska u qalma:

  • Kiraystaha Saint Paul;
  • Aan helin caawimaad guri oo kale (sida guriyaynta dadweynaha ama Section 8)
  • Aad haysto ilmo dugsiga barbaarinta Kahor ilaa fasalka 3aad ah oo ka diiwaangashan dhigashada dugsiga:
    • Benjamin E. Mays IB World School
    • Dayton's Bluff Achievement Plus Elementary
    • Maxfield Elementary School
    • Saint Paul City School
    • Saint Paul Music Academy
  • Aad ku bixiso ugu yaraan 40% dakhliga qoyska kiro
  • Aad daboosho xaddidaadaha dakhi ee soo socda (Dakhliga qoysku uu ku salaysanyahay qoys kasta waxa ay kasbadaan dakhli 30 maalmood ee la soo dhaafay; xajmiga qoyska oo ay ku jiraan carruurta iyo iyo xubnaha kale ee aan dakhli kasban.)
    • Qoyska 2 qof ah: $28,200
    • Qoyska 3 qof ah: $31,700
    • Qoyska 4 qof ah: $35,200
    • Qoyska 5 qof ah: $38,050
    • Qoyska 6 qof ah: $40,850
    • Qoyska 7 qof ah: $43,650
    • Qoyska 8 qof ah: $46,630

CODSI

Si aad u codsato, la xiriir mid ka mid ah wakiilada dugsigaaga:

Benjamin E. Mays IB World School

Dayton’s Bluff Achievement Plus Elementary

Maxfield Elementary School

Saint Paul City School

Saint Paul Music Academy

Last Edited: July 31, 2023