Dib-u-isticmaalka Qashinka iyo Qashinka Magaalada Idil ​(Citywide Recycling and Garbage)

Meeleynta Saxda ah ee Qashinqaadaha (Correct Cart Placement)

  • Qashinqaadahaaga dhig meel fiican ee aad barafka ka xaaqday iyo aan xayirayn waddada iyo luuqaba. 
  • Illaa laba tallaabo u dhaxaysii qashinqaadahaaga iyo waxa kale sida geedaha, siligga xerada, garaashka ama baraf fadhiya.
  • Qashinqaadahaaga walxaxa idil ee lagu rido ha noqdaan kuwo uu qaadi karo si daboolka uu u xirmo.
  • Qashinqaadahaaga waxaad dhigta geeska luuqa ama qarka waddada, afka daaboolka u jeedi dhinaca waddada wixii ka horeeya 6da subaxnimo ee maalinka qashinka la qaadayo.
  • Qashinqaadahaaga had dhigin korka ama gadaasha meel barafka ku aruuray, ama biyaha, taaso sababi karta in barafka uu dhulka ku dhejiyo.
  • Qashinqaadahaaga waddada dhaxdheeda ha dhigin. Tani waxay xayiraysa gaariga waddada barafka ka xaaqa.
  • Haddii gurigaagu u luuq leeyahay, hubso in lambarka cinwaanka ku dhegsanyahay garaashkaaga. 

Qaadista Qashinka ee Jiilaalka iyo Dib-u-dhacyada Adeegyada ​(Winter Collection and Service Delays)

Bilaha jillaalka, waxaa si soke u wada shaqeeya gawaarida wasaqda qaada iyo dawladda hoose si ay si hufan oo nabagelya ah xaafadaha uga qaadan maalinka qaadista qashinka iyo qashinka dib loo isticmaalayo. Hawada marka ay xumaato, sida baraf badan ee lagu sabiibixayo uu dhaco ayaa mararka qaarkood abuuri kara xaalado adag ee qaadista qashinka. Mararka qaarkoodna ay arrimahaan ka dhacaan meelo kooban, sida jidadka ama luuqyada. Marar kalena, xaalad adag ee hawada la xariirta ay abuurto dhibaatooyin ballaaran ee qaadista quseeya.

Xasuuso: gawaari iyo qalabyo kala duwan ayaa qaada qashinka iyo qashinka dib loo isticmaalayo. Waxaa dhici karta inay jiraan mararka qaarkod laba nooc ee gaadiidka u midkood gali karo jidka ama luuqa, kan kalena uusan gali karin. 

La shaqay deriskaaga si ay luuqyada u ahaadan kuwo ay soo gali karaan gawaaridaa shaqeeya bilaha jiilaalka.

Halkaan kala soco si aad ku ogaatid haddi qaadista qashinkaaga ee uu saameeyay jiilaalka ba’an.

Xaalado Kooban ee Qaadista Quseeya (Isolated Collection Issues) 

  1. Haddii gaariga qashinka iyo qashinka dib loo isticmaalayo uu ka soo qaadiwaayo qashinqaadaha jidka ama luuqa la dhigay sababo la xaariirta baraf labu sabiibixayo ama baraf aad u badan, waxay gawaarida dib ugu soo laabanayaan muddo 24 saac gudahooda si ay mar labaad hawshooda u qabsadaan. Fadlan waxaad qanshinqaadaha dhigtaa bannaanka iyo meel loogu talagalay inuu gaariga soo gali karo.
  2. Haddii luuqa ama jidka ay noqdan kuwo aan la soo gali karin, gaariga qashinka qaada waxaa uu maalinkaaga qaadista dib ugu soo laabanayaa usbuuca xiga.   
  3. Haddii luuqa ama jidka uu sii ahaado mid keena dhibaatoyinka qaadista inta lagu jiro xilliga jiilaalka, la soo xariir magaalada hoose waxaana la shaqayn doonnaa adiga iyo deriskaagaba si markaasi hawshii qaadista ay caadigeeda dib ugu soo laabato.

Xaalado Badan ee Qaadista Quseeya – Maalinka Dib-u-dhaca Qaadista ee Maagalada Idil (Widespread Collection Issues – Citywide Collection Day Delay)

Mararka qaarkood ay jiraan xaalado weyn oo ay hawada keento, sida baraf ba’an ama baraf lagu siibibixayo waxay saamayn ku yeelan karaan qaadista qashinka ama qashinka dib loo isticmaalayo inuu ka dhaco qeybo badan ee magaalada. Haddii ay tani dhacdo, magaalada waxay ku dhawaaqaysaa Maalinka Dib-u-dhaca Qaadista ee qaadista qashinka iyo/ama qashinka dib loo isticmaalayo.  Gurmashada degdegga ee barafka ayaa dhici karta inuu sababo ama sababin in lagu dhawaaqo Maalinka Dib-u-dhaca Qaadista.

  1. Haddii lagu dhawaaqo Maalinka Dib-u-dhaca Qaadista, hal maalin dib u dhig maalinkaaga caadiga ee loo qabtay qaadista qashinka iyo/ama qashinka dib loo isticmaalayo. Tusaale ahaan, haddii maalinka loo qabtay in qashinka la qaado ay tahay Arbaco, qashinkaaga dib loo isticmaalayo iyo/ama qashinka waxaa la qaadi doonaa maalinka Khamiista ee usbuucaas. Sidoo kale si lamid ah ay wax u dhacayaan maalinka ay ciid weyn jirto ee usbuucaas.  
  2. Xaaladaha hawada xun ee jiilaalka ayaa siyaaboyin kala duwan saamayn ugu yeelan doona hawlaha qaadista qashinka ama qashinka dib loo isticmaalayo. Maalinka Dib-u-dhaca Qaadista ayaa lagu dhawaaqi karaa qaadista qashinka dib loo isticmalaayo ama qashinka, midkood, ama labadooduba.  
  3. Haddii lagu dhawaaqo Maalinka Dib-u-dhaca Qaadista, magaalada waxay internetka stpaul.gov/winterguide ka soo galinaysaa macluumaad iyo xitaa mid la mid ah ee loo marinayo warbaahinta bulshada sida Facebook iyo Twitter.

Wararka La Soco (Stay Informed)

Dib-u-isticmaalka

  • Haddii aad su’aalo qabti,  Eureka Recycling kala xariir 651-222-7678​.
  • Soo dajiso (Download Eureka’s free app) si aad ula socoto macluumaadka u  dambeeyay ee aruurinta.

Qashinka

  • Su’aalaha la xariira adeegyada rukunka ama biilasha, waxaa la xariirta qaadista qashinka. Meesha aad ka wacayso qaadista waxaa laga heli karaa internetka laga galayo stpaul.gov/garbagemap
  • Haddii aadan haysan Internetka, caawimaadna aad u baahantahay sida aad ku heli lahayd macluumaadka gaarigaaga qaadista, fadlan wac 651-266-6101.

Macluumaadka waxaa lagu heli karaa luqadaha (Spanish, Hmong and Somali). Turjubaanno telefoonka lagugu xariirinayo. Qashinka dib loo isticmaalayo (Recycling): 651-222-7678 Qashinka (Garbage): 651-266-6101

Last Edited: September 15, 2021