Saint Paul Waxay ku Dhawaaqday Mamnuuca in Baabuur La Dhigto 1-dhinac Jidadka la Daggan yahay
Laga bilaabo Jimcaha, Maarso 10 saacada 8 a.m. lama oggola in la dhigto dhinaca nambarada TOGAN ee jidadka la DAGGAN YAHAY
Maanta, Magaalada Saint Paul waxay ku dhawaaqday mamnuuca in baabuur la dhigto 1 dhinac jidadka la daggan yahay xilliga qaboobaha inay dhaqangali doonto laga bilaabo Jimcaha, Maarso 10 saacada 8 a.m. Lama oggola in baabuur la dhigto dhinaca nambarada togan ee jidadka la daggan yahay. Saint Paul, dhinaca nambarada togan caadi ahaan waa dhinaca koonfureed ama dhinaca bari ee jidka. Degganeyaasha iyo booqdayaashu waa inay dhigtaan dhinaca taban ee jidka la deggan yahay oo ay u hoggaansamaan dhammaan xeerarka lagu dhajiyay meelaha la dhigto baabuurta ee jidadka waaweyn (muhiimka ah). Mamnuuca in baabuur la dhigto 1-dhinac waxay socon doontaa ilaa Abriil 15, ama kahor haddii magaaladu go'aamiso in shuruuduhu ay oggolaadaan in mamnuucidda la qaado.
"Badbaadada dadkayaga deggan, shaqaalahayaga, iyo booqdayaashayadu waa mudnaanta koowaad ee Saint Paul,"ayuu yiri duqa magaalada Carter."Tallaabadan waxay gacan ka geysan doontaa xaqiijinta in adeegyadayada degdegga ah iyo Hawlaha Guud ay ku ilaalin karaan jidadkeena kuwa ammaan ah oo la mari karo.
Mamnuuca in baabuur la dhigto jidadka la daggan yahay ayaa loo baahan yahay waayo diiwaanka barafka ee da’ay jiilaalkan ayaa ciriiriyay jidad badan oo la deggan yahay. Hawlaha Guud ee Saint Paul waxay si dhow ula shaqaynaysay Waaxda Dab-damiska ee Saint Paul, Waaxda Booliska ee Saint Paul, iyo Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul si ay ula socdaan xaaladaha jidadka oo ay u sii wadaan ilaalinta ammaankooda oo ay u heli karaan baabuurta gurmadka iyo basaska dugsiga. Magaaladu waxay jari doontaa tigidh oo waxay jiidi doontaa baabuurta ku xadgudubta xayiraadaha in baabuur la dhigo 1-dhinac jidka.
"Waan ognahay in baabuurta la dhigto jidka ay muhiim u tahay dad badan oo deggan, waxaanan sameynay wax walba oo aan awoodno si aan ugu ilaalino jidadka sida ugu ballaaran ee suurtogalka ah xilligan qaboobaha,"ayuu yiri agaasimaha howlaha guud Sean Kershaw. "Hadda, kuma dejin karno baabuurta waaweyn ee barafka xaaqda jidadka qaar ka mid ah ee waddooyinka la deggan yahay. Mamnuucidda meelaha baabuurta la dhigto ayaa u sahlaysa shaqaalaheenna in ay aad uga jawaabaan cimilo kasta oo timaada xilliga qaboobaha inta hartay."
Magaalada Saint Paul waxay samaysay khariidad meelaha baabuurta la dhigto 1 dhinac (www.stpaul.gov/1sideparkingmap) si looga caawiyo dadka deegaanka inay ogaadaan jidadka ka xayiran meelaha la dhigto baabuurta oo looga fogaado tigidh ama jiidid iman karta. Macluumaad dheeraad ah, oo ay ku jiraan qaybta su'aalaha inta badan la isweydiiyo oo faahfaahsan booqo, www.stpaul.gov/1sideparking.